maqaaaal
Baadi Goobka Caddaaladda
Akhristayaasha Sharafta Mudanoow
Kaysar Cabdilaahi
Waxa dalkeena hooyo ka dhacay Xasuuqyo aad u fool xun oo loo gaystay kumanaan muwaadin oo aan wax danbi ah galin, waxaa nafta laga jaray kumanaan geesi oo dalkooda daacad u ahaa, waxaana jeelasha ku dhex waashay kuwo kale oo fara badan, halka kumanaan kalana lagu jir dilay ama loo caddibay si cadaalad darro ah.
Dadkaasi waxaa loo xasuuqay ama loo caddibay waa qabiilka ay u dhasheen oo kaliya ama fikirka ay aaminsanaayeen oo qudha, xasuuqaasi waxa uu ilaa imika oo aan qoraalkan qorayo ka socdaa goobo badan oo ka mid ah dhulkii hooyo.
LA XIRIIRA (RELATED)
Jazira Massacre - 12 years have elapsed without justice
Visiting rights activist wants probe into "massacre by Barre regime"
Hadaba taariikhdaas madow ee ummada Soomaaliyeed ay la kulantay 20kii Sanadood ee u danbeeyay ayaa waxa waajib inagu ah inaan u hawl galno oo joojino in xasuuqu uu sii socdo kana digtoonaano inaanay dib usoo marin taariikhda umadeena. Taasi si loo gaadhana waxaa loo baahan yahay inaan u halgano raadinta dhagarqabayaashii gaystay,ilaa imikana gaysanaya xasuuqa ku dhacay dad badan oo aan waxba galabsan, waxaana lagama maarmaan ah inaan ku dedaalno sidii maxkamad loo horkeeni lahaa loona raadin lahaa meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin kuwii gaystay danbiyada waaweyn ee xuquuqda aadamaha kasoo hor jeeda.
Si aan wax uga ogaano dhagarta laga galay geesiyaal Soomaaliyeed oo aan danbi galin waxaynu tusaale usoo qaadan doonaa qoraalkan hoose ee murugada xambaarsan oo aynu ku xusi doono xasuuq loo gaystay boqolaal geesi oo ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iyaga oo ku jira hawl qaran xeryahoodiina dhex jooga inta la uruuriyay oo shan-shan la isugu xidhay rasaasta baroonka, shilkaha iyo ta aakaha lagu furay.
Waxay ahayd bishii Maajo ee sanadkii 1988kii, saqdii dhexe ayaa Jabhadii loo yaqaanay ururka dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee SNM ay si layaab leh u soo galeen badhtamaha agaalada Hargeysa, waxaana markiiba ay weerarro culus ay ku qaadeen xeryihii ciidamada ee magaalada ku dhex yaalay.
Waxaana goobtaas markiiba ku naf baxay dad aad u tiro badan oo ka tirsan ciidankii dawlada iyo jabhadii SNM iyo waliba dadweyne ay rasaastii ordaysay ay gaadhay.
Askartii ka tirsanayd xoogga dalka ee markaas weerarku dhacay guryahooda joogay waxay markiiba ku yaaceen xeryahoodii ciidanka, waxaanay fulinayeen sidii ay faraysay dhaartii ay u mareen inay dalka hooyo difaacaan.
Geesiyaashaas waxaa niyadooda ku jirtay oo ay aaminsanaayeen inay dalkooda hooyo ka difaacaan cadaw kasta oo soo weerara. Waxayna hore uga qayb qaateen dagaalkii 1964kii ee Ciidanka Soomaaliyeed uu ku jabiyay ciidamadii Itoobiya ee dalkeena soo weeraray xiligaas.
Waxaa kale oo Geesiyaashaas naftood hurayaalka ahi ay ka qayb qaateen dagaal weynihii 1977kii dhex maray Soomaalida iyo Itoobiya. Hadaba iyada oo wali wadaniyadaasi ay ku jirto ayaa markana ay isu diyaarinayeen inay dalka ka difaacaan jabhadii SNM oo iyagu ay xiligaas u arkayeen inay ahayd cadaw.
Askartan aynu ka hadlayno oo ay ka mid ahaayeen:
S/le Cabdilaahi Maxamed Bulaale ( Cabdilaahi Dheere) oo ka tirsanaa Birjeex/
taliskii gaaska labaad ee qaybta 26aad ee Hargeysa.
S/le Ibraahim aw Xasan oo ka tirsanaa isla gaaska labaad ee Q/26aad
S/le Axmed Abokor Durduur oo isna ka tirsanaa isla gaaska labaad ee Birjeex iyo askar kale oo aad u tiro badan oo wajiyadoodu wali ii muuqdaan oo Aabahay uu ka mid ahaa qaar badana aanu deris ahayn waxay markii SNM ay soo gashay magaalada Hargeysa ay ku sugnaayeen Xaafada Laynka Milatariga oo dhinaca waqooyi kaga naban Xerada Birjeex ee taliska gaaska labaad ee
magaalada Hargeysa.
Waxaana ay markiiba iska xaadiriyeen xeradii ciidanka dawlada iyaga oo maskaxdooda ay ku jirto dhaartii ay u mareen inay dalkooda ka difaacaan cid kasta oo soo weerarta dalka hooyo, hadaba markii ay xeradii tageenba waxaa loo saaray gaar, waxaana lagu dhex daray koox kale oo ciidanka ka tirsanaa oo iyaga meel gaar ah lagu uruuriyay. Waxaa askartaasi gaarka loo uruuriyay lagu xulay hab qabiil, waxaana ay ahaayeen askar uu asalkoodu kasoo jeeday oo uu isku qabiil Ilaahay ka dhigay dadkii Isaaqa ahaa ee xiligaas ay dawlada is hayeen.
Wax kale oo danbi ah oo ay galeena may jirin oo aan ahayn in Ilaahay uu qabiilkaas ka dhaliyay oo kaliya, markiiba waxaa loo dhaqaajiyay xaruntii taliska qaybta 26aad oo ku taalay koonfur galbeed magaalada Hargeysa taasoo ku dhawayd xaafadii Isha Boorama loo yaqaanay.
Markii wax jabaq ah laga waayay ayaa xaasaskii askartaas qaar ka mid ahi ay tageen xeryihii ciidamada iyaga oo baadi goobaya bal halka ay ku danbeeyeen raggoodii, waxaa markaas qaar ka tirsan madaxdii ciidanku ay dumarkaas ku war galiyeen in raggoodii Xamar loo badalay.
Waxaa markaas aad u xoogaystay dagaalkii dhex marayay jabhadii SNM iyo Ciidankii Dawlada oo adeegsanayay hub nooc kasta ah, madaafiicda, diyaaradaha, dabaabadaha iyo hub nooc kasta ayaa ciidankii dawladu ay la beegsadeen meel kasta oo ka mid ah Hargeysa, waxaana ay waxyeelo aan la qiyaasi karin u gaysteen shacabkii, Carruurtii, Dumarkii waayeelkii iyo wax kasta oo nool oo markaas Hargeysa joogay. Waxaana halkaas ku burburtay magaaladii Hargeysa oo konton sanadood ka badan la dhisayay.
Waxaa ay naftu dadweynihii ku qasabtay inay dhinaca Itoobiya u cararaan magangelyana ay waydiistaan Cadawgii Soomaalida ee Taariikhiga ahaa, hase yeeshee Itoobiya waxay si kal iyo laab ah usoo dhawaysay dadkaas qaxayay ee ay Ciidankii hubka ay ugu iibiyeen si ay uga difaacaan cadawga debada ay iyagii dib ugu xasuuqeen.
Hadaba waxaan xiligaas ka mid ahaa dad kumanaan ah oo ku sugnaa tuulaha Darroor ee bariga Itoobiya, waxaa beryahaasba bilowday ganacsi iyo isu socod loo kala gudbi jiray Qaxootiyada iyo Muqdisho. Markasta dadka Xamar ka yimaada ee qaxootiyada yimaadaa waxay sheegi jireen in rag badan oo Milatariga ka tirsanaa oo Hargeysa laga qaaday in ay jeelasha Xamar ku xidhan yihiin.
Waxaa markaas aniga iyo in badan oo kaleba aanu rajaynaynay in aabayaashayo ay ka mid yihiin kuwaas Xamar ku xidhan maadama ay saraakiishii ciidanka dawlada ee Hargeysa ay hooyooyinkayo u sheegeen in Aabayaashayo Xamar loo badalay, waxaa sii xoogaystay warkii sheegayay in dad badani ay Xamar ku xidhan yihiin, kolba gabadh shaari-shaari ah oo Xamar ka timi ayaa sheegta
in ay jiraan rag Xamar ku xidhan oo ciidanka dawlada ahaa oo Isaaq ahi.
Waxaa markaas aan go'aansaday inaan lugahayga ku raadiyo meesha ay Aabahay iyo dadkii kale ay ku sugan yihiin, iyo geeri iyo nolol waxay yihiin. Halgan dheer iyo go'aan qaadasho aad u culus dabadeed waxaan go'aansaday inaan Xamar tago oo aan maro jidka dheer ee halista ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaliya. Markii aan Xamar gaadhay ee aan laba todobaad oo kaliya joogay ayaa la ii xaqiijiyay in Aabahay iyo dadkii kale ee la socdayba la laayay oo inta la isku xidh-xidhay la xasuuqay.
Anaga oo aad uga xumaaday arrintaas dadkaas masaakiinta ah ee waayeelka ee aan danbiga galin ee loo xasuuqay oo kaliya cida ay u dhasheen oo qudha, iyada oo maskaxdayda iyo maankaygaba ay gali wayday dadkaas bilaa sababta loo laayay ayaa waxaan go'aansaday inaan degdeg Muqdisho uga baxo waxaana dhawr todobaad ka dib aan iska xaadiriyay xaruntii tababarka ee SNM oo ku
taalay tuulada Balli-Cabane, halkaas oo aan ku qaatay tababar degdeg ah markii danbana aan ku biiray ciidankii Guutada Koodbuur ee SNM oo jiidaha hore ka dagaalamayay ilaa lasoo gaadhay sanadkii 1991kii oo ahayd markii Jabhadii SNM ay gacanta ku dhigtay goboladii waqooyi oo maanta ah Jamhuuriyada Somaliland.
Aakhirkii sanadkii 1997kii ayaa lafahii Aabahay iyo kuwii kale ee la xasuuqay waxaa laga helay bohol weyn oo xabaal ah oo daadkii roobabku ay ka soo saareen Iskuulka Malko Durduro oo ku qabsan Xeradii Ciidanka ee qaybta 26aad. Ilahay ha u naxariistee dadkaasi oo ay gacan ka xaq darani dishay
waxaa hubaal ah inay ehlu-jannah yihiin sida diinteenu inoo sheegtay, kuwii danbigaas gaystayna waxaa hubaal ah in ay ifkana ku noolaan doonaan nolol xun oo dulli ah aakhirna cadaab daran ay la kulmi doonaan.
Hadaba akhristaha sharafta mudanoow waxaa lagama maarmaan ah inaan helno oo aan daba galno dadkii xasuuqa u geystay qof kasta oo Soomaali ah oo aan danbi gelin, waxaa dhamaanteen inagu waajib ah inaan u halgano inaan dhagarqabayaashii xasuuqaas gaystay aan cadaalada hor keeno.
Waxaan ka codsanayaa qof kasta oo damiir leh oo raba in dalkeenu uu hagaago oo aanay dib inoo soo marin wixii dhacay oo kale waxaan ka codsanayaa inuu ii soo gudbiyo wixii macluumaad ah ee uu hayo ee ku saabsan xasuuqaas aan kasoo hadalnay iyo xasuuq kasta oo aad ogtahay in la geystay dad soomaaliyeed iyo cidii geysatayba.
Waxaa ballan ku qaaday in aanan waligay ka nasan doonin inta maxkamad lasoo taagayo dhagar qabayaashii ummadeena xasuuqay.
Fadlan wixii talo, tusaale, war iyo macluumaad aad hayso iigu soo hagaaji E-mailadan oo kala ah;
dacwo1@hotmail.com
keeskeey@somalitalk.com
keeskeey@egyptemail.com
Link to Other Pictures
|
MAGAZINE
Maanta barqanimadii kol aan sanduuqa boostayda soo dhugtey waxaan ka soo helay Gacal oo aan beryahaaba sugayey isla markiiba anigoo soconaya ayaan lingaxa ka gooyey, madowga sare ee biyaha la moodo iyo caddaanka yar ee ciira ciirada caadka u eg ee bidhaanta casuusta sagalka egi ka hoosaysaa waxay ahayd mid bilicsan, wuuna iila qurxanaa warsidayaashii aan u soo joogey oo aragiisu wuxuu ku qotomey tuducan: п╗п┬п▓я·п⌠я·п╡п┌я≥п▓б╛п╗р░п╡п┌я Sagal jiidan caad jilicsan iyo jarar hillaacaayaп╗п┬п▓я·п⌠я·п╡п┌я≥п▓б╛п⌠я·п╡Б─ б╛п∙Б─≥.
Wixii cusub caalamkaa jecel, durba waanigaa u baydhay goob aan iga dheerayn oo uu fadhi qumani oolaa, kaddibna anigoo rogrogaya ayaan xaashiyaha Gacal durduro ku maray, waxaan ku daahay qaybta uu Gacal Soohdinta cusub ugu walqalay, Is tunkii Afgooye, Xuquuqda Garoobka iyo Caleema saarba dareenkayga ma doorin laakiin waxaa hiyigayga xasuus tiiraanyo kulul ku abuuray xogta odhanaysa: Abwaano geeriyoodey oo markaan dheehday murugo igu soo laba kaclaysay, waxaanse isku hilmaansiiyey markii uu maankaygu I xasuusiyey inuu qoraageena xushmada heer qaran mudan (Idaajaa) uu abwaanadaa qaar ka mid ah dhaxal lagu dhaato ka reebay, waxaana igu soo mir kacday sheeko aanu ayaamahaa aniga iyo nin gabyaa ah oo magasiinka matalaya ka yeelanay suugaanta iyo dhaqankeena oo mar ay maanso isu rogtay ereyadani ku jireen:
Murti bay gunteediyo
Goboп╗п┬п▓я·п⌠я·п╡п┌я≥п▓б╛п⌠я·п╡п┌я⌡п▓я·deedu waxay tahay
Geeriyi haddii ay
Guyaal kaa wareegtana
Gabow baan ku deeynayn
Waxaan uga golleeyahay
Ragii gabayga hayn jirey
Dhaqan gaatayaashii
Waa gobol dhamaadiyo
Kuwo sii gurmaayiyo
Guxuushaa duqooboo
Garab yaal xabaashoo
Sii dabar goп╗п┬п▓я·п⌠я·п╡п┌я≥п▓б╛п⌠я·п╡п┌я⌡п▓я·aayoo
Murtidiyo gadhoodhkana
God la sii gelaayee!!!.
bye/ max,ed yare
Thniyad ugu dir eheladaada asxabtaada iyo walibo dhamman inta aad jeceshahay boggan uu idinkugu tala galay max,ed yare
|